Tafsiirka Baybalka oo bilaash ah
Tafsiirradan waxa lagu saleeyay hanaanka PDF ka, waxaana lagu akhrisan karaa nooca ugu danbeeyay ee Adobe Reeder©
Djibouti Yemen
Yooxanaa iyo 1, 2 & 3 Yooxanaa
(John and 1, 2 & 3 John)

Falimaha Rasuullada
(Acts of the Apostles)

Rooma
(The Book of Romans)

Boggan internatka ah ee barashada Kitaabka ahi wuxuu marwalba diyaar u yahay oo u go’ay Kitaabka Quduuska, maxaa yeelay waa isha keliya ee rumaysadka (badbaadada) iyo ku camal falitaanka (nolosha Masiixiyiinta). Furaha fasiraadda Kitaabka Quduuska ah waxa weeyi helitaanka ujeedada uu lahaa qoraaga asalka ahi taasi oo noqonaysa (1) doorashada nooca, (2) macnaha suugaan ahaaneed (3) doorashooyinka naxwaha, (4) doorashooyinka erayga, (5) dhinacyada taariikhda ee qoraaga iyo qoraalka, iyo (6) isu ekaanshaha aayadaha (fasiraaga ugu wanaagsan ee kitaab waxyi waa kan waxyiga ah, maxaa yeelay Kitaabka Quduuska ahi waa maktabadda xaqiiqada).
Qoraagu aqoon ahaan wuxuu ahaa mid tabo baran www.freebiblecommentary.org) (eeg dib u jalleecistiisa iyo odhaahda rumaysadkiisa ku sugan fasiraadaha kitaabka) oo isku dayaya inuu:
  1. Kugu dhiirri geliyo inaad Kitaabka shakhsi ahaantaada u akhrisato (mudnaanta waxa leh adiga, Kitaabka Quduuska ah iyo Ruuxa Quduuska)
  2. Kaa caawiyo fahanka fasiraadaha kale
  3. Marka la helo ujeedada asal ahaaneed waa inaad ku dabaqdo dhaqankaaga iyo noloshaada! Waxa jira waxyaabo badan oo ay suurto gal tahay in lagu dabaqo laakiin ujeedo keliya oo awood leh ayaa jirta.
  4. Qaabababka fasiraadaha Kitabaku kuuma sheegi karaan waxa hubaasha ah ee qoraalka macnihiisu yahay laakiin waxay kaa caawin kartaa inaad garato waxa aan loogala jeedin!
  5. Fasiraadahu waa liiska waxyaalaha qof uu daraasad ugu sameeyay Qorniinka. Dhinac kasta oo fasiraadda ka mid ahina waa muhiim laakiin hadiyo goor mufasiriinta Baybalka ee casriga ahi waxay is waydiiyaan su’aasha ah, “Muxuu qoraalkani macno ii samaynayaa aniga?”
Halka su’aasha habooni ay ka tahay “Muxuu ahaa wixii qoraaga asalka (qofkii loo waxyooday) maalmihiisa la odhan jiray?” iyo “Sidee xaqiiqada maalamahaygan loogu dabi karaa”?

Waxaan rajaynayaa in Fasiraaddaydani ay noqon doonto mid ku raalli gelisa iyo in tafsiirka ayaadba aayadda ahi uu kuu sawiri doono inaad u dhowaato Ilaah.

Dr. Bob Utley
Brofesorka Hermeneutics (hawl gabay)
 
Copyright © 2012 Bible Lessons International, P.O. Box 1289, Marshall, TX 75671, USA